bokomslag Siyaasadihii Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Soomaaliya
Samhälle & debatt

Siyaasadihii Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Soomaaliya

Bashiir Nuur Cabdulle

Inbunden

329:-

Funktionen begränsas av dina webbläsarinställningar (t.ex. privat läge).

Uppskattad leveranstid 7-12 arbetsdagar

Fri frakt för medlemmar vid köp för minst 249:-

Andra format:

  • 170 sidor
  • 2024
SIYAASADIHII DHAQAALAHA IYO MAALIYADDA SOOMAALIYA waa buug ka hadlaya marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen dhaqaalaha iyo maaliyadda Soomaaliya muddadii 63-ka sano ahayd ee uu dalku xorta ahaa, waxaana aqoontooda iyo waaya-aragnimadooda ku biiriyay aqoonyahanno Soomaaliyeed oo khibrad dheer u leh taariikhda dhaqaalaha iyo maaliyadda dalka, islamarkaana ka soo shaqeeyay hay'adaha budhigga u ah arrimahaas. Buuggu wuxuu qiimaynayaa siyaasadihii dhaqaale ee ay adeegsadeen dowladihii kala duwaan ee soo qabtay talada dalka iyo waxtarnimadoodii; wuxuu kaloo falanqaynayaa daymiyihii lagu yeeshay dalka, sidii loo maareeyay iyo saamayntii ay ku yeesheen horumarka dhaqaalaha. Buuggu wuxuu sharxayaa sababta ay Soomaaliya mar walba ugu tiirsanayd deeqaha dibadda, asagoo iftiiminaya sida lagu gaari karo iskufillaaasho dhaqaale, kaasoo muhiim u ah madaxbannaanida qaranka. Buuggu wuxuu soo jiidan doonaa akhristayaasha daneeya arrimaha dhaqaalaha iyo maaliyadda, oo ay ku jiraan cilmibaarayaasha, qorsheeyayaasha dhaqaalaha, barayaasha dhaqaalaha, kulliyadaha dhaqaalaha iyo siyaasiyiinta. Gaar ahaan, buugga waxaa ka faa'iidaysan kara ardayda ka qalinjebisay ama ka qalinjebinaysa kulliyadaha dhaqaalaha iyo maaliyadda.

  • Författare: Bashiir Nuur Cabdulle
  • Format: Inbunden
  • ISBN: 9781912411931
  • Språk: Somali
  • Antal sidor: 170
  • Utgivningsdatum: 2024-09-01
  • Förlag: Xarunta Dhaxalreeb Publications